Kenya Oo Amar Culus Dul Dhigaysa Dadka Isticmaala Baraha Bulshada Ee Ku Faana Nolosha Raaxada Leh

Githii Mburu oo ka tirsan Waaxda Cashuuraha Kenya ayaa sheegay inay hubin doonaan inay is leeyihiin qaab-nololeedkaaga iyo canshuurta aad bixiso.

“Baraha bulshada, waxaan ku aragnay dadka qaar oo ku soo bandhigaya waxyaabo fiican. Dadka qaa kabo qaali ah ayay soo dhigaan, guryo qaali ah, gawaari qaali iyo iyagoo qoysaskooda u kaxeynaya goobo dalxiis,” Mburu ayaa sidaas u sheegay Wargeyska Business Daily ee ka soo baxa Nairobi.

“Halkan iskama jiifno, markii aan kuwaas aragno, waxaan aragnaa canshuur.”
Wuxuu sheegay inay leeyihiin saraakiil si gaar ah ugu xil saaran wax ka qabashada dadka khiyaama canshuurta ee isticmaala baraha bulshada kala duwan sida Facebook, Instagram, snapchat iyo Twitter.

Tallaabadan ayaa la sheegay inay caqabad ku noqon doonto dadka jecel inay baraha bulshada ku soo bandhigaan wax walba oo noloshooda ku saabsan.

Dadka qaar ayaa noloshooda ku faana iyagoo soo bandhigaya gawaari qaali ah, guryo waaweyn iyo hoteello waaweyn.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Khasaaro Ka Dhashay Dagaal Ka Dhacay Gobolka Galgaduud Iyo Xiisad Ka Taagan Gobolkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Siyaasi Cali Cantar:- Arinta Khaatumo Waa La Wadayaa Ilaa Laga Gaadhaya Inta Qancayo”

Bnnstaff Bnnstaff

Dadka Ku Nool Magaalada Istanbul Oo Ka Baqaya In Guryahu Ay Ku Dumaan Dhul gariirkii Turkiga Ka Dhacay Awgii

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More