Raysal Wasaare Rooble Oo Qaabilay Safiirrada 15-Ka Dal Ee Xubno Ka Ah Gudiga Nabadda Iyo Amniga Ee Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta qaabilay Safiirrada 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika.

Mas’uuliyiinta soo gaaray Muqdisho ayaa waxaa hoggaaminaya Danjire Maxamed Gad iyagoo ka wada hadlay howlaha Ciidammada nabad ilaalinta AMISOM ee Somalia iyo xoojinta Iskaashiga DFS iyo Midowga Afrika.
Shalay ayay ahayd markii Muqdisho ay soo gaareen Saraakiil ka socda Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (AU-PSC).

Waxaana Soomaaliya ku yimaadeen booqasho saddex maalmood qaadaneysa, iyagoo kulan la yeelan doona saraakiil sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kooxaha bulshada rayidka iyo wakiillada saaxiibbada caalamka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Alshabaab Oo Madaafiic Ku Garaacday Magaalada Dhuudamareeb

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaarihii Bil Ka Hor Loo Magacaabay Dalka Lubnaan Oo Iscasilay Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

Cidii falkaa ii’gaysatey Sharciga Hala Horkeeno Hadii Kale Dadka Halysku Fasaxo” Xildhiban guruuje Oo Saaka La Garaacay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More