Dowladda Soomaaliya Oo Soo Bandhigtay Sarkaal La Sheegay Inuu Ka Tirsanaa Al-Shabaab

Cusmaan Caddow Xaaji, oo la sheegay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa Maanta Isku soo dhiibey Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ee kusugan Degmada Diinsor ee Gobolka Baay Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed.

Ninkan oo lasoo bandhigay ayaa la sheegay in uu muddo dhowr sano ah ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, kaasi oo u qaabilsanaa qeybta jabhadaha iyo fulinta weerarada qorsheysan.
Sarkaalka lasoo bandhigay Maanta ayay Saraakiisha Ciidanku sheegeen in uu isagu qirtay ka qayb qaadashada dagaallo dhowr ah oo ka kala dhacay Gobolada Gedo, Baay iyo qeybo ka Mid ah Waddanka Kenya.

Guddoomiyaha Degmada Diinsor ee Gobolka Baay Cabdisalaan Xaaji Siidow, ayaa sheegey in Cusmaan Caddow uu la soo goostay Qoray AK47 iyo Booshkiisa, isla markaana uu muddo ku dhumaaleeysanay degaanno ka tirsan degmada Diinsoor.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa si isdaba jog ah degaannada Koonfur Galbeed iska soo dhiibay Saraakiil iyo Xubno badan oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo intooda badan lasoo bandhigay.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalka Itoobiya Iyo Abiy Ahmed Oo U Wareegay Gobolka Amxaarada Iyo Qodobo Kale

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiika Amniga Somaliya” Reer Muqdisho Nabadii Ay Usoo Rafaadeen Aysan Si Fudud Gacmohooda Uga Baxin”

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiir Fiqi” Waa In La Baabi’Iyaa Maxkamadaha Al-Shabaab Ee Muqdisho Iyo Shabeellaha Hoose”

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More