Maxkamad Ku Taalla Dalka Jabuuti Oo Xukun Dheer Ku Ridday Duuliye Fu’aad Oo Ka Tirsanaa Ciidanka Dalkaas

Maxkamad ku taalla dalka Jabuuti ayaa 10 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 12,000 oo doollar ku ridday duuliye Fu’aad Yuusuf Cali oo ka tirsanaa ciidanka dalkaas, taasoo ka careysiisay qoyska Fu’aad.

Fu’aad, oo ahaa duuliye ciidan, muddo 10 sano ahna ciidanka Jabuuti ka tirsanaa ayaa u cararay Itoobiya 27-kii bishii Maarso ee sanadkii hore, ka dib markii uu dhalleeceeyay “cadaalad darrada ka dhex jirta militariga dalkaas,” sida ay qortay warbaahinta RFI oo isaga soo xigatay.
Dawladda Jabuuti ayaa markii dambe soo saartay amar ah in la soo xiro Yuusuf oo Itoobiya ku sugnaa laguna soo wareejiyo.

Horraantii bishii April ee sanadkii hore, xilli uu isu diyaarinayay inuu gudbisto codsi megengelyo ayaa duuliyaha lagu xiray Addis Ababa.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Maxkamada Gabilay Iyo Ciidanka Booliska Oo Maanta Gubay Khamri Iyo Xashiisad Tiro Badan

Bnnstaff Bnnstaff

Kusoo Biir Dugsiga Amiin Quran Online Oo Ha Haleen Ubadkaagu Waxbarasho Tayo Leh Iyo Manhaj Diyaarsan

Bnnstaff Bnnstaff

“Haddii Ciidan Cid Lagu Haysanayo Madaxwayne Qadaafi Ayaa Ku Haysan Lahaa” Xildhibaan Maxamed Abiib

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More