Jubaland Oo Dowlada Fadaraalka Ku Eedaysay In Ay Mucaawimo Ka Hor Istaagtay Gobolka Gedo

Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ku eedeeyay Ciidamada dowladda Soomaaliya ay geysay Gobolka Gedo inay hortaagan yihiin in gurmad la gaarsiiyo dadka ay abaartu saameysay.

Madaxweyne kuxigeenka oo Wareysi siiyay Idaacadda BBC-da waxaa uu sheegay in dowladda federaalka ay siyaasadeeysay gurmadka dadka abaaruhu saameeyeen, isla markaana hay’adaha samafalka dhaq dhaqaaq ka sameyn karin degaannada Gobolka Gedo.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in haatan la joogo xilligii loo gurman lahaa dadka ay baartu saameeysay, isaga oo ku baaqay in la kala saaro Arrimaha bini’aadanimada iyo aragti duwanaanshaha Arrimaha Siyaasadda.

Degaano iyo degmooyin kantirsan Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa waxaa xilligaan kajira abaaro xoogan, iyada oo meelaha qaar ay dad u dhinteen gaajo iyo biyo la’aan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

James Swan “khaladaad Badan Ayaa Lagu Arkay Doorashadda Golaha Shacabka”

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Magacaabay Guddoomiyaha Cusub Ee Gobolka Banaadir

Bnnstaff Bnnstaff

Qaraxyo Iyo Weeraro Ka Dhacay Afghanistan Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Falalkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More