Dowlada Somaliya Iyo Bangiga Aduunka Oo Ka Shiray Teegeerida Ayax

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa ka qaybgalay kulan wakiilka bandhiga adduunka ee geeska Afrika, Keith Hansen, madaxa bangiga adduunka ee Soomaaliya, Kristina Svensson iyo saraakiil kale oo bangiga ka tirsan ay la qaateen qaar ka mid wasiirrada wasaaradaha uu ka socda mashaariicdaa uu Bangiga Adduunka taageerro.

Kulanka ayaa inta uu socday arrimaha looga hadlay waxaa ka mid ahaa Horumarinta mashaariicda Baxnaano, Diiwaanka Mideysay ee Bulshada (USR) iyo taageerrada qoysaska uu Ayaxa saameeyay.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdiwahaab Ugaas Xuseen ayaa Bangiga adduunka uga mahadceliyay taageerrada uu siiyo shacabka iyo Dawladda Soomaaliya.

“Bangiga Adduunka waa saaxib muhiim u ah Soomaaliya , waxa naga go’an iskaashiga Bangiga inan uga faa’iideysano Horumarinta hay’adaha iyo Bulshada Soomaaliyeed.” ayuu yiri wasiir Cabdiwahaab.

Docda kale, mas’uuliyiinta Bandhiga Adduunka ayaa ballanqaaday inay xoojin doonaan taageerrada Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa kaalmada ay helayaan Bulshada nugul iyo qoysaska uu saameeyay Ayaxa.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Maraykanka Oo Xayiraad Saaray Shirkad Israa’iil Laga Leeyahay Iyo Sababta Ka Dambaysa Xayiraadaasi

Bnnstaff Bnnstaff

” Cabdiraxmaanoow Ciyaalkaaga Aamusii” Wasiir Siciid Sulub La Dhegaysan Waayay Laguna Qayliyay.

Bnnstaff Bnnstaff

Qoor Qoor: Madaxa Qaranku Tanaasul Bay Muujiyeen Laakiin Puntland Iyo Jubaland Jawaab Kama Hayo”

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More