Dacwad Oogaha Militariga Libya Oo Ka Hor Yimid Musharaxnimada Wiilka Uu Dhalay Qadaafi

Dacwad oogaha militariga Libya, Mohamed Gharouda, ayaa ka codsaday guddiga doorashada dalkaasi inay joojiyaan musharaxnimada madaxweyne ee Saif al-Islam Gaddafi.

Waxa uu Axaddii lagu dhawaaqay in wiilka labaad ee uu dhalay hogaamiyihii hore ee dalkaasi, Mucamar Al-Qadaafi, uu gudbiyay dukumeentiyadii lagama maarmaanka u ahaa inuu u tartamo Madaxweyne.

Laakin warqad uu u diray guddiga doorashada, Mr Garouda wuxuu ku sheegay in maadaama Saif al-Qadaafi lagu eedeeyay falal dambiyeed, ay qasab tahay in dalabkiisa madaxtinimo “la joojiyo ilaa baadhitaanka laga soo gabagabeynayo.”

Qadaafi ayaa waxaa weli baadi goobaya maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada, iyadoo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo uu galay sanadkii 2011-kii, xilligaasi oo aabihii lagu qasbay xukunka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dowlada Somaliya Oo Shaacisay In Ay Baadhayso Weerarkii Gantaalada Ahaa Ee Xarunta Xalane

Bnnstaff Bnnstaff

Guddmomiye Aadan Madoobe “Xeer Khilaafsan Diinta Islaamka Lama Horkeeni Karo Baarlamaanka”

Bnnstaff Bnnstaff

Ismaamulka Somalida Itoobiya Oo Deeq Lacag Iyo Xoolo Nool Ku Teegeeray Ciidanka Dawlada Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More