Ex Madaxwayne Sheekh Shariif Oo Kulan La Qaatay Cali Guud Laawe Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Musharax Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo ku aaddan doorashooyinka oo ay laabda mas’uukl si gaar ah uga wada hadleen doorashooyinka Goloha shacabka, oo dhawaan si toos ah loo guda gali doono.
Sharriif Sheikh Axmd oo Qoraal soo saaray kadib kulanka ayaa sheegay in kulanka uu la yeeshay Madaxweynaha Hirshabeelle uu ahaa mid ay kaga wada hadleen dardar galinta doorashada Xildhibaanada Golaha shacabka BFS.

“Waxaan caawa kulan la qaatay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo aan ka wada hadalnay dardar galinta doorashada Xildhibaanada Golaha shacabka BFS. Kulanka waxaa nagu wehliyay Xoghayaha guud ee Xisbiga Himilo Qaran Mudane Yuusuf Gama’diid iyo Xildhibaan Maxamed Abuukar Isloow ( Ducaale ). Waxaan isla qirnay muhiimada ay leedahay dedejinta iyo daah furnaanta doorashada iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in ugu dambeyn la soo gabogabeeyo doorashada Xildhibaanada ka hor dhammaadka bisha December ee soo socota” ayuu yiri Shariif oo Qoraal soo saaray kadib kulanka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Taliska Ciidanka Xooga Dalka Somaliya Oo Ka War Bixiyay Khasaaraha Hawlgal Laga Fuliyay Shabeelaha Dhexe

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Kenya Oo Ciidamo La Dagaalama Mucaaradka u Dirtay Dalka Congo

Bnnstaff Bnnstaff

Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Somaliya Oo Ka Warbixiyay Doodii Ay Somaliya Ka Horjeediyay Maxkamada ICJ

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More