Raysal Wasaare Rooble Oo Kusii Jeeda Magaalada Garoowe, Xili Uu Ku Sugan Yahay Axmed Madoobe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu wadaa inuu socdaal ku tego Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la filayaa maalinta berri oo sabti uu tego Magaalada Garoowe, isagoona kulamo kala duwan la qaadan doono Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu labada Madaxweyne ee Deni iyo Axmed Madoobe ka dalbaday in aysan kala tegin inta uu uga imaanayo si ay shir wadajir ah u yeeshaan

Rooble iyo Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa ka wada hadli doona Arrimaha doorashooyinka gaar ahaan doorashada Golaha Shacabka oo la filayo in dhawaan deegaanada dowlad Goboleedyada dalka ay ka bilaabato.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa sidoo kale labada Madaxweyne kala hadli doona Arrimo ku aadan amniga deegaanadooda iyo xaaladdaha Bani’aadanimo ee u baahan in wax laga qabto.

Rooble ayaa maalmihii lasoo dhaafay safar ku jooga Magaalada Dhuusamareeb, isagoona Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor kala hadlay bilaabida doorashada Golaha Shacabka, iyadoona lasoo gudbiyay kuraasta ugu horreeysa ee doorashada Golaha Shacabka.

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Warbixin:- Halka Uu Ka Soo Bilaabmay Damaca Iyo Xad Gudubka Kenya Ee Bada Somaliya Iyo Cida Ku Garabsiisay

Bnnstaff Bnnstaff

Laamaha Amniga Puntland Oo Gacanta Ku Dhigay Askari Dil iyo Dhaawac Geystay

Bnnstaff Bnnstaff

Golaha Ammaanka Oo Soo Afjaray Oggolaashaha La Dagaallanka Burcad-Badeedda Xeebaha Soomaaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More