Canada Oo Ka Dalbatay Muwaadiniinteeda Inay Si Deg-Deg Ah Uga Baxaan Gudaha Dalka Itoobiya

Dowladda Canada ayaa ugu baaqday Muwaadiniinteeda inay si deg-deg ah uga baxaan waddanka Itoobiya, sida lagu sheegay qoraal rasmi ah oo ay soo saartay waaxda socdaalka ee dalkaas.

“Hadii aad ku sugan tahay Itoobiya, si deg-deg ah dalkaas uga bax. Aad ayay u xaddidan tahay awoodda aan ku bixin karno kaalmada qunsuliyadeed” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Canada.
“Ka fogow dhammaan safarrada Itoobiya, marka laga reebo kan lagu sii-maro garoonka caalamiga ah ee Bole, colaadaha qowmiyadaha, kacdoonka shacabka, colaadaha hubaysan ee ka socda waqooyiga dalka iyo khatarta ah inay ku sii fidaan meelo cusub digniin la’aan” ayuu sii raaciyay warsaxaafadeedka Canada.

Canada ayaa hore u dhigtay in muwaadiniinteedu ay u safraan waddmo ay ka mid yihiin Afghanistan iyo Myanmar, kuwaas oo ay ku sheegtay inay ka jiraan khataro dhinaca amniga ah.

Dalka Itoobiya ayaa waxaa muddo laba sanno ka socda dagaalo xoogan oo u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka Itoobiya iyo kuwa Jabhadda hubeysan ee Tigrey, waxaana dagaaladii ka dhacay dalkaas ku naf-waayay kumanaan dad shacab ah iyo Askar Ciidan.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Ukraine Oo Ku Eedeysay Ruushka In Afrikaanka Uu Ku Cadaadinayo Inay Ka Qeybgalaan Dagaalka

Bnnstaff Bnnstaff

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Oo Soo Saaray Jadwalka Cusub Ee Doorashada

Bnnstaff Bnnstaff

Kuraasta Baarlamaanka Somaliya Oo Loo Qaybiyay Gobolada Somaliya Awdal Oo Heshay 17 Kursi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More