Akhriso Xogo Ku Saabsan Diyaaradda Ugu Xawaaraha Dheereysa Ee Korontada Ku Shaqeyneysa

Shirkadda Rolls-Royce ayaa sheegtay diyaaradda cusub ee korontada ku shaqeyneysa oo ay sameysay iney tahay tan ugu xawaaraha dheereysa diyaaradaha korontada ku shaqeeya ee horay loo sameeyey.

Shirkaddan oo uu fadhigeedu yahay Derby ee dalka Ingiriiska waxy sheegtay diyaaraddu iney socotay xawaare dhan 387.4 Mayl (623 km), xilligi tijaabada lagu sameynayey.

Diyaaraddan ayaa la rumeysan yahay seddex rikoor oo cusub iney dhigtay.

Xawaaraha ay shirkaddu sheegtay xilligi tijaabada iney diyaaraddu ku socotayna waxaa loo diray xiriirka ciyaaraha duullimaadka adduunka si ay xawaarahaasi u xaqiijiyaan kaddibna u ansixiyaan.

Iyada oo tijaabada diyaaraddan cusub la sameeyey 16-ka November ee sanadkan.

Diyaaraddu waxaa tijaabada ugu horreysay ku sameeyey ama diiwaan geliyey duuliyaha tijaabada sameynayey oo wehliyey agaasimaha howlagallada duullimaadyada Phil Odell.
“Tani waa mid ka mid ah waxqabadka ugu muhiimsan mihnaddeyda, guud ahaan kooxda tijaabada sameysayna waxay u tahay guul cajiib ah” ayuu yiri.

Rolls-Royce waxay sheegtay diyaaraddan ay sameeyeen oo tijaabadi ugu horreysay lagu sameeyey marka loo eego diyaaraddi ay sameysay shirkadda Siemens oo Korontada ku shaqeyneysa oo tijaabada lagu sameeyey 2017-kii ay tooda ka dheereyso 132 mayl sacaddiba (213.04 km).
Waxaa kale oo la rumaysan yahay diyaaraddan in ay dhigtay rekoorka ugu dhakhsaha badan si ay 202 ilbiriqsi ugu gaadho joog dhan 9,842.52 (3,000 mitir), taasoo rikoorkii hore ka hooseyso 60 ilbiriqsi .

Diyaaradda oo isticmaaleyso motor koronta ku shaqeynaya oo ay tamartisu tahay 400 oo kiilo wat, oo la mid ah matoorka ay isticmaalaan gawaarida xawaaraha dheereeya uu xoogga matoorkooduna u dhigmo 535 faras.
Maamulaha Guud ee ee shirkadda Rolls-Royce Warren Ess, wuxuu sheegay guusha la gaaray iney qayb ka tahay himilooyinka shirkadda ay ku dooneyso iney dunida kaga haqab tirto gaadiidka tiknoolijiyadaha casriga ah oo aan cimilada wax u dhimeyn oo dhulka, cirka iyo baddaba laga isticmaalo.

Rolls-Royce waxay sheegtay iney rajeyneyso in xawaaraha diyaaradda la ansixiyo oo ay mustaqbalka dhow rekoorkan cusub si rasmi ah u xaqiijiso Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Maxkamadda Sare Ee Maraykanka Oo Dhegaysanaysa Eedo Argagixiso Oo Loo Haysto Google, Twitter Iyo Facebook

Bnnstaff Bnnstaff

Khilaaf Xoogan Oo Ka Dhex Qarxay Golayaasha Wakiilada Iyo Guurtida Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Maxay Dalalka Caalamku Ka Yidhaahdeen Diyaarada Drone-ta Turkiga Ee Bayraqdar TB 2

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More