Madaxda Sirdoonka Dalalka Somaliya, Itoobiya iyo Ereteriya Oo ku Shiraya Adis-ababa

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Madaxda Sirdoonada dowladdaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya uu shir uga socdo Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Shirkan ayaa la rumeysan yahay inuu ka dambeeyay booqashadii todobaadkii hore Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku tagay Magaalada Asmara oo siyaasiyiinta mucaaradka shaki weyn ka muujiyeen iyo booqasho kedis ah oo Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki ku tagay Itoobiya.

Dad badan ayaa shaki ka muujiyay in shirka u socda Madaxda Sirdoonka saddexda dal in looga hadlayo arrimaha doorashada Soomaaliya, maadaama Madaxweynayaasha Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya uu ka dhaxeeyo heshiis siyaasadeed.

Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Ereteriya Isaias Afwerki ayaa dhawaan ka wada hadlay hannaanka kor loogu qaadi karo iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee labada dal, si loo dardargeliyo qorsheyaasha ku qotoma ganacsiga, maalgashiga iyo isku xirnaanta bulshada Gobolka.

Dhinaca kale Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa maalintii shalay aheyd kulan gaar ah oo looga hadlay arrimo kala duwan ku yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweyne Isaias Afwerki oo halkaas gaaray.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wiil Soomaali Oo Lagu Soo Oogay Dacwad La Xiriirta Baaruud Uu Ka Dhex Qarxiyey Dad Badan

Bnnstaff Bnnstaff

Gudiga Dabagalka Iyo Hantada Qaranka Oo Kulan La Qaatay Wasiirka Maaliyada Somaliland Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Hore Daahir Rayaale Oo Saaka Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Hargeysa

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More