Madaxweynaha Puntland Siciid Deni Oo Safar Deg Deg Ah Ku Tagaya Magaalada Qardho Iyo Sababta

Waxaa Maanta lagu wadaa in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu safar deg deg ah ku tago magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.

Ujeedka Safarka Madaxweynaha Puntland ee Magaalada Qardho ayaa waxaa lagu sheegay in uu halkaasi tababar uu ugu soo xiri doonaa cutubyo ka tirsan Ciidamada Puntland oo bilihii la soo dhaafay uu halkaas tababar uga socday.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa la filayaa in uu kulan la qaato Saraakiisha Ciidamada Punland ee Magaalada Qardho, Maamulka Magaalada iyo Odayaasha Dhaqanka.

Maamulka Puntland ayaa sanadihii la soo dhaafay waxaa ay wadeen qorshooyin ay tababar iyo tayeyn ugu sameeynayaan Ciidamadooda, waxaana Madaxweynaha Puntland uu dhowr jeer sheegay in inta uu xilka haayo uu ku dadaali doono dhismaha Ciidamada.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwaynihii Ugu Mudo Xileedka Dheeraa Ee Dalka Aljeeriya Oo Maanta Geeriyooday

Bnnstaff Bnnstaff

Itoobiya Oo Shaqada Ka Joojisay Hay’addo Ka Howlgalla Gobolada Soomaalida Iyo Tigreega

Bnnstaff Bnnstaff

Maraykanka Oo Sucuudiga Ku Qasbaya In Uu Xidhiidh La Yeesho Isreal

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More