Xoogaga Ahlusunna Oo Dhaq Dhaqaaqyo Ciidan Ka Bilaabay Duleedka Dhuusamareeb

Cabdullaahi Cabdi Raage oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Ahlu Sunna ayaa mar sii horeysay bartiisa Facebook ku soo qoray “Ama Dhuusamareeb ama geeri, Insha’Allah, isaga oo sidoo kale sheegay in Ahlusunna hal go’aan leedahay.

Warar sidoo kale soo baxayay ayaa aheegayay in habeen ka hor ay tageen degaanka Gadoon ee duleedka Dhuusamareeb Ciidamo ka tirsan Ururka Ahlusunna Waljamaaca.

Qaar kamid ah dadka kunool Magaalada Dhuusamareeb iyo degaannada hoostaga ayaa sheegay inay soo wajahday cabsi ku aadan dhaq dhaqaaqyada hoggaanka Ahlusunna maadaama uu sababi karo dagaal dhexmara Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogaga Ahlusunna.

Dhaq dhaqaaqyada ay bilaabeen xoogaga Ahlusunna ee ku sugan degaanka Bohol ayaa la sheegay inay keentay kadib markii ay ka caroodeen hadalkii dhawaan uu Dhuusamareeb ka sheegay Ra’iisul Wasaare Rooble ee ahaa inay nabadiid yihiin kana hortagayaan cid kasta oo wada khalqal gelinta Maamulka Galmudug.

Related posts

Haayada Shaqaalaha Dowlada Oo Imtaxaan Ka Qaaday Qaar Ka Mid Ah Shaqaalaha Dowlada

Barnaamijka Ma Ogtahay Iyo Dalka Arjantin Dalka Kaliya Ee Laga Caabudo Ciyaaaryanka Maradona

Bnnstaff Bnnstaff

Diyaarada Dagaal Oo Ku Burburtay Gudaha Dalka Liibiya Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More