Kursi Ka Mid Ah Golaha Shacabka Somaliya Oo Maanta Lagu Dooranayo Magaalada Muqdisho

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada 6 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi.

Guddiga maamulaya doorashooyinka Gobolada Waqooyi ayaa shalay soo geba-gabeeyay diiwaangelinta musharrixiinta kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ee Maanta ay dhaceyso doorashadooda.
Musharrixiinta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ayaa waxaa kamid ah Wasiirkii hore ee Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Xubno kale.

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Heer afederaal Axmed Safiino ayaa sheegay in 101 Ergo oo kamid ah Ergada doorashada ay dooranayaan min laba ilaa Saddex kursi taasina ay fududeyneyso in kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Gobolada Waqooyi si deg deg ah loo soo geba-gabeeyo.

Sidoo kale wuxuu sheegay in maalmaha soo socda degaannada dowlad Goboleedyada, Galmudug, Koonfur Galbeed ay doorashada ka bilaaban doonto, wuxuuna ugu baaqay Maamulada kale inay dedejiyaan doorashada Golaha Shacabka.
Ugu dambeyn Afhayeenka waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in 24 Bisha December la soo geba-gabeeyo doorashada Golaha Shacabka.

1-dii Bishaan ayaa waxaa Magaalada Muqdisho lagu qabtay doorashada labadii kursi ee ugu horreeyay Golaha Shacabka kuwaas oo degaan doorashadoodu tahay Gobolada Waqooyi, waxaana la filayaa in dhawaan doorashada ka bilaabato maamulada kale ee kajira dalka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Shacabka Dalka Kenya Oo Maanta U Dareeray Doorashada Madaxtooyada Dalkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta Oo Sheegay In Gantaalo Ay Ku ggaraaceen Goob Shidaal Oo Uu Leeyahay Sucuudiga

Bnnstaff Bnnstaff

Wareysi: Afhayeenka Madaxtooyada Oo Ka Warbixiyay Xil-Wareejinta Iyo Kulankii Farmaajo Iyo Xasan Sheekh

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More