Saraakiisha Ciidanka Dalka Sudan Oo Xabsiga Ka Sii Daayey Siyaasiyiin Rayid Ah

Saraakiisha Xukuma dalka Sudan ayaa xabsiga ka sii daayey siyaasiyiin rayid ah oo la xir xiray afgambigii bishii hore ka dib.

Hoggaamiyaha xisbiga Sudan Congress, Omar al-Degeir, ayaa Wakaaladda Wararka ee Faransiiska u sheegay in habeenkii Axadda laga sii daayey meel uu kaligiis ku xirnaa oo uu ku go’doonsanaa.
Waxaa sidoo kale la sii daayey siyaasiyiin kale, oo ay ku jiraan kuwo ka tirsan xisbiga ugu weyn dalkaas ee Umma.

Xubno ka tirsan xukuumaddii ku meel gaarka ahayd ee la kala diray ayaa si xooggan u cambaareeyey heshiiskii Axaddii ee dib xukunka loogu soo celiyey Ra’iisal Wasaare, Abdalla Hamdok, waxayna tallaabadaas ku tilmaameen mid khiyaano ah.

Dadka militariga dhaliilsan ayaa shaki ka qaba in ra’iisal wasaaraha iyo xukuumaddiisa awood loo siin doono in dalka ay si fiican u maamulaan iyo in kale.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Xildhibaan Hore Nacnac Oo Meel Adag Iska Taagay Xaalad Laascanood Talooyina Soo Jeediyey

Bnnstaff Bnnstaff

Isbitaallada Mekelle Oo Ay Dawadu Gabaabsi Ku Tahay Iyo Xaaladaha Bani’aadantinimo Ee Ka Jira Gobolkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Maadxweyne Xasan Sheekh Oo Taliyaha Ciidamada Mareykanka Ee Afrika Kala Hadlay Dagaalka Al-Shabaab

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More