Raysal Wasaaraha Dalka Faransiiska Oo Laga Helay Cudurka Covid 19

Faransiiska ayaa ku dhawaaqay in Ra’iisul wasaare Jean Castix, uu ku dhacay fayraska Corona, sidaas darteena uu gali doono xaalad karantiil ah tobanka maalmood ee soo socda.

Ra’iisul Wasaare Jean Castix, oo hadda 56 sano jir ah ayaa la caddeeyay inuu haleelay Xanuunka Corona Virus, isaga oo horay u qaatay tallaalka ka hortagga xanuunkan.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayuu ku dhacay xanuunka Covid-19 bishii Diseembar 2020, sidokale tiro kamid ah wasiirrada Faransiiska ayaa laga helay fayraskan, kuwaa oo ay kamid ahayeen Wasiirka Maaliyadda Bruno Le Maire iyo Wasiirka Dhaqanka Roslyn Bachelot.

Inta badan waddamada reer Yurub ayaa la daalaa dhacayo sidii ay ugu hortagi lahayeen fitaanka mowjadaha cusub ee Covid 19, iyadoo horay inta dabadan dalalka Yurub loogu soo rogay xannibaado dhanka caafimaadka ah si loo xakameeyo xanuunkan.

Wasiirka caafimaadka dalka Jarmalka Jens Young, ayaa shir Jaraa’id uu shalay qabtay ka digay halista xanuunkan oo dib u soo laba kacleeyay, isaga oo sidokale sheegay in dadka dalkiisa ee aan qaadan Tallaalka ka hortaga Corona Virus la tallaali doono.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Turkiga Oo Digniin Culus Ka Soo Saaray Dagaalka Ay Yuhuudu Ku Hayso Falastiiniyiinta Baaq Culusna Diray

Bnnstaff Bnnstaff

Diyaarada Ku Burburtay Gudaha Dalka Iraan Iyo Tirada Dadka Ku Dhintay Diyaaradaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Kulan Qarsoodi Ah Oo Dhex Maray Madaxda CIA-da Iyo Hogaamiyayaasha Taalibaan

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More