Feysal Cali Waraabe” Waan Joojineynaa Wada-Hadallada Somalila Iyo Somaliland”

Ing, Feysal Cali Waraabe oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ee  Somaliland ayaa sheegay in gebi ahaanba la joojin doono wada-hadalladii dowladda federaalka ah ee Soomaaliya & Somaliland oo dhowr jeer qabsoomay

Feysal oo la hadlay BBC-DA waxaa uu sheegay in wada-hadallada ay dhibaato uga timid Somaliland, isla markaana dad badan ay u fasireen in ay midoobayaan Dowladda Soomaaliya & Somaliland.

 

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dowladihii qorsheynayay inay aqoonsadaan Somaliland iyo kuwii mashaariicda ka fulinayay ay joojiyeen, wuxuuna sicad u sheegay in qorshaha joojitaanka wada-hadallada Dowladda Soomaaliya & Somaliland loo gudbin doono Golaha Wakiilada Somaliland

Wada-hadalladii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland ayaa hakad kujiray Shantii sano ee la soo dhaafay marka laga reebo hal jeer oo Jabuuti ay ka dhaceen balse aan wax natiijo ah kasoo bixin

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Ururka Taliban Oo Laayay Sagaal Askari, Kuwa Kalena Afduubatay

Bnnstaff Bnnstaff

Culimada Soomaaliyeed Oo Baaq U Diray Musharxiinta Madaxweynaha Iyo Dowladda Dhexe

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidanka Booliska Galmudug Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Khamri Tiro Badan

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More