Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Fahaafaahini Ka Soo Baxaya Qaraxaasi

Qaraxa oo siweyn jugtiisa looga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Dugsiga Sare ee Banaadir oo kuyaal inta u dhaxeysa Madaxtooyadii hore ee Cabdi Aaasim iyo Isgoyska Tarabuunka.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa kaas oo lagu dhuftay mid kamid ah Gaadiidka qufulan ee Ciidamada AMISOM, wuxuuna geystay khasaaro farabadan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen Ardayda Iskuulka Mucaasir oo goobta kuyaalla, Haweeneey wadada nadiifineysay iyo dad kale oo wadada marayay.

Sidoo kale waxaa jira burbur xoogan oo gaaray Gaadiidka Basaska ee Iskuilka mucaasir iyo dhismaha Iskuulka, sida ay muujinayeen sawiro laga soo qaaday.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa xiray Aaga uu qaraxa ka dhacay, waxaana la filayaa in laamaha Amniga Soomaaliya ay faah faahin ka bixiyaan qaraxa.

Related posts

Maraykanka Oo Maamulada Somaliya Ugu Baaqay In Ay Bilaabaan Doorashada Golaha Shacabka

Bnnstaff Bnnstaff

Cabdiweli Gaas” Ma Aqbaleyno Diktaatooriyad Iyo In Shacabka Awood Millateri Lagu Caburiyo”

Bnnstaff Bnnstaff

Filin Laga Metelay Qaabkii Loo Khaarijiyay Wariye Jamaal Khashoggi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More