Tahriibayaal Ku Geeriyooday Marin Biyoodka u Dhaxeeya Ingiriiska Iyo Faransiiska Iyo Tirada Dadka Dhintay

Ugu yaraan 31 qof oo tahriibayaal ah oo ku sii jeeday dalka Ingiriiska ayaa ku qaraqmay English Channel oo ah marin biyood u dhaxeeya dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska una dhow magaalada Calais ka dib markii ay la degtay doonidii ay la socdeen dadkaasi.Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka ayaa sheegay in falkaani uu yahay khasaarahii ugu weynaa ee hal mar ah tir badan oo dad ah ku dhintaan.

Raiisel wasaare Ingiriiska Boris Johnson ayaa sheegay inuu aad uga naxay waxa dhacay, isaga oo intaa ku daray in UK ay sameyn doonto tallaaba kasta si wax looga qabto kooxaha dadka tahriibiya.Waxaana lagu wadaa inuu guddoomiyo kulan degdeg ah oo arrintaan looga hadlayo.

Doon nooca kaluumaysiga ayaa dirtay qaylo dhaan gelinkii dambe ee maanta kadib markii dadkii doontasi kaluumaysiga saarnaa ay arkeen dadka tahriibayaasha ah ee ku qaraqmay meel u dhow xeebaha badda Faransiiska.

Masuuliyiinta Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa wada hawlgal samatabbixin ah oo cirka iyo badda ah si ay u ogaadaan haddii ay cid heli karaan.

Mr Johnson waxa uu sheegay in dhimashadu ay tahay “musiibo”, isaga oo intaa ku daray inay muhiim tahay in la “jabiyo” dadka ka ganacsada rahriibinta dadka, kuwaas oo uu sheegay in ay “si dhab ah uga baxsanayaan dilka”.Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in wax badan laga qabto sidii loo joojin lahaa dambiilayaasha abaabulan.

Bbc Somali

 

Related posts

Dowlada Jabuuti Oo Xadkeeka Ka Xidhay Dadka Ka Qayb Qaadanyay Diiwaan Galinta Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Maxkamada Gobolka Togdheer Oo La Horkeenay Ninkii Ku Eedaysnaa Dilka Ugbaad Cali

Bnnstaff Bnnstaff

Dhalinyarada Xaafada Saambeeriya Ee Bariga Borama Oo Deeq U Qaybiyay Dadka Danyarta Ah Ee Xaafadaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More