Ciidamada PSF-ta Puntland Oo Baneeyay Furimaha Dagaalka Iyo Kuwo Kale Oo La Wareegay

Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland oo wata gaadiidka dagaalka noocyadiisa kalan ayaa xalay xilli dambe gaaray saldhiga weyn ee degaanka Sugurre kadib markii ay soo banneeyeen Ciidanka PSF-ta Puntland.

Ciidankaas oo u badan kuwo laga keenay Gobolka Mudug ayaa sida wararku sheegayaan isku fidiyay dhammaan goobihii ay ka soo baxeen Ciidanka PSF oo ka gadooday xilka qaadis lagu sameeyay Agaasimahoodii.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa bilaabeen howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga, isla markaana dhamaan ay isku fidiyeen Xeryaha Ciidamada ee degaanka Sugurre ee Gobolka Bari.

Degaanka ay Ciidamada Daraawiishta Pungland la wareegeen ee Degaanka Sugurre oo ka tirsan buuraleyda Golis waxaa saldhig weyn ku lahaa Ciidanka PSF oo halkaas ka fulin jiray weeraro lagu beegsado dagaallamayaasha Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Hadii Madaxwayne Biixi Ka Baqay Gobolnimada Gabilay Anaa Balanqaadaya In Aan Gobol Ka Dhigo” Gudoomiye Ciro

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlaha Soomaaliya Iyo Turkiga Oo Bayaan Wadajir Ah Soo Saaray Iyo Nuxurka Bayaankaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweyne Biixi Oo Booqday Dekedaha Dalka Jabuuti Ee Kala Gadisan

Mustafehaji

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More