Taliska Booliska Somaliya Oo Ka Warbixiyay Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Saaka Ka Dhacay Muqdisho

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyey qarax Is-miidaamin oo saaka ka dhacay albaabka hore ee Iskuulka Mucaasir ee ku yaalla inta u dhexeeysa Isgoyska Tarabuunka iyo Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in qaraxa dhacay loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, isla markaana lala damacsanaa in lala beegsado kolonyo ay la socdeen Ilaaliya UN-ka oo wadada maraayay.

Cabdifitaax Aadan ayaa sheegay in qaraxa uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana uu xaqiijiyay inay qaraxaas Is-miidaaminta ahaa ay ku geeriyoodeen 8 Ruux, halka 17 qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo ay ku jiraan Arday.
Dadka dhaawacmay ayaa waxaa la geeyay Isbitaalo ku yaalla Magaalada Muqdisho, si xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo, waxaana dadka waxyeelada soo gaartay isugu jiraan Arday, Macalimiin iyo dad shacab ahaa oo goobta marayey, xiligii uu qaraxu dhacayay.

“Gaariga Qarxay Noociisu waa Surf kana yimid dhanka Tarbuunka taarget.ka wuxuu ahaa Baabuurta waardiyeysa UN.ka ee Looyaqaano Duguf Security Qasaaruhuna ay Turakoobeen Boliisku waa 8 Dhimasho ah iyo 17 Dhaawac ah” ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa muujiyay burbur xoog leh oo gaaray Iskuulka Mucaasir oo kasoo horjeeda Dugsiga sare ee Banaadir, waxaana dumay derbiyada Iskuulka, iyadoona ay burbureen gaadiidka uu lahaa Iskuulka Mucaasir.

20-kii bishaan November 2021 ayey aheyd markii qarax Is-miidaamin ah uu ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo lala beegsaday gaari ay saarnaayeen Agaasimeyaasha Radio Muqdisho iyo kan Telefashinka Qaranka, waxaana qaraxaas ku naf-waayay Agaasimihii Radio Muqdisho Marxuum Cabdicaiis Afrika, halka ay ku dhaawacmay Sharmaake Warsame Maxamed.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Laga Hirgaliyay Burco

Bnnstaff Bnnstaff

Mareykanka: “Waa Khasab In Madaxda Maamul Goboleedyada Somaliya Ay Muqdisho Ku Sugnaadaan”

Bnnstaff Bnnstaff

Xisbiga Wadani Oo Si Adag U Cambaareeyay Arday Maanta Lagu Xidhxidhay Magaalada Hargeysa

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More