Raysal Wasaare Rooble Oo Si Kulul U Cambaareeyay Qaraxii Saaka Ka Dhacay Muqdisho

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya ayaa Cambaareeyey Qarixii ismiidaaminta ahaa ee saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho.

“Waan cambaareynayaa weerarkii ay argagixisada Alshabaab saaka ka geysteen Muqdisho oo dhimasho iyo dhaawac ka soo gaareen dad rayid ah oo ay ku jiraan arday.

Waa fal bahalnimo oo caddeyn u ah sida kooxdan qalloocani ugu sii talax tagtay daadinta dhiigga birimageydada si aan kala sooc lahayn ayuu yiri” Ra’iisul Wasaare Roobl3.

Intii dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyada Allaha u boogo dhayo, eheladoodana samir iyo iimaan Eebbe ha ugu deeqo”.ayuu yirri Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho kusoo batay qaraxyada iyo dilalka qorsheysan, iyada oo lagu guda jiro xilli kala guur ah o dalku uu u dareeray doorasho.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Ciiddankii Jarmalka Oo Gebi Ahaanba Laga Daad-Gureeyey Dalka Afganistan

Bnnstaff Bnnstaff

Cudur Aan La Garanayn Oo La Sheegayo In Uu Ka Dilaacay Dalka Hindiya

Bnnstaff Bnnstaff

Maxkamada Gobolka Maroodijeex Oo Digniin U Dirtay Xeer Ilaaliyayaasha Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More