Agaasimha Kumeel Gaadhka Ah Ee NISA Oo Maanta Loo Doortay Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Shacabka

Agaasimaha KMG ah ee hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Yaasiin Fareey ayaa Goordhow loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib doorasho ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb.

Musharax Taliye Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud Fareey ayaa kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP67, waxaana doorashada kula tartamay Musharax Maxamed Cali Culusow oo helay Codad gaaraya 20.
Guddoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashada Maamulka Galmudug ayaa shaaciyay in Agaasimaha KMG ah ee hay’adda Nabadsugida ee NISA Yaasiin Fareey uu ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP67, isla markaana waxaa uu helay 68 Cod, waxaana halaabay 3 Cod.

Howlka ay ka dhacday doorashadan dhammaatay ayaa waxaa daqiiqado kadib ka dhaceysa doorashada kursi kale oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud Fareey oo goor sii horreysay lagu baddalay Taliyihii hore ee hay’adda NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa hadda ka mid noqonaya Xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

DAAWO: Waxa Kala Qabsaday Marwo Faadumo Siciid Iyo Xoghaya Guud Ee Xisbiga Wadani

Bnnstaff Bnnstaff

Mareykanka Oo Digniin Culus U Diray Muwaadiniintiisa Ku Sugan Gudaha Dalka Ethiopia

Bnnstaff Bnnstaff

Xaliimo Yaray ” waxaa La Leeyahay Doorashaa Socotee Maxay Tahay Xisbiyadan La Diiwaan Galinayo

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More