Baarlamaanka Maamulka Puntland Oo Wada Mooshin Lagu Burinayo Heshiiska DP World Ee Dekeda Boosaaso

Wararka laga helayo Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa sheegaya in qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Wakiilada Maamulkaasi Puntland ay wadaan olole mooshin la doonayo in lagu baabi’iyo Heshiiskii Shirkadda DP World iyo Xukuumadda ee ku saabsan Dekadda Boosaaso.

In ka badan 41 mudane ayaa waxaa la sheegay inay wadaan mooshinkaas, si meesha looga saaro heehiiska DP World sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonaan karo.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in 41 mudane ay mooshinka oo ah mid xoogan u gudbiyaan Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland, iyada oo la sheegayo in ka hortegida mooshinkaan aysan waxba ka qaban karin Xukuumadda & Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland intaba.

Sanadkii 2017-kii ayay heshiiska ballaarinta dekadda Magaalada Boosaaso wada galeen Xukuumaddii Cabduweli Maxamed Cali Gaas & Shirkadda DP World, waxaana la sheegay in Shirkaddu aysan weli waxba ku kordhin dekadda, sida uu hoob fagaaro ah ka sheegay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Ex Madaxwayne Sheekh Shariif Oo Beeniyay In Uu Ka Tanaasulay Tartanka Madaxtinimad Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Oo Saaka Lagu Soo Dhaweeyay Hargeysa

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Iyo Xildhibaan Cumar Jaamac Oo Ka Hadlay Dil Ka Dhacay Dararwayne

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More