Xildhibaan Ilhaan Cumar Oo Si Wayn Uga Cadhootay Argagixisanimo Lagu Sheegay

Xildhibaan Ilhan Cumar oo Congress-ka Mareykanka ku metasha Minnesota ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaantay hadal ay jeedisay Lauren Boebert oo ay isku gole ka tirsan yihiin lagana soo doorto Colorado.

Muuqaal laga duubay Boebert oo si weyn u qabsaday baraha bulshada ayaa waxa ay si kaftan ah argagixisanimo ugu eedaysay dhiggeeda Ilhan.

“Aniga iyo mid kamid ah shaqaalaha xafiiskeyga ayaa waxaan soo wada raacnay wiish ku yaal xarunta baarlamaanka ee Capitol, kadibna waxaan si degdeg ah kusoo galay askari walaacsan,” ayay tiri xildhibaankan looga bartay inay taageerto kooxaha midigta fog.
Bidix ayaan eegay, kadibna waxaan arkay Ilhan Cumar. Waxaan tilmaamay in aysan wadan boorso [qarax sida] oo uu xaalku caadi yahay,” ayay u tiri si kaftan balse jees jees ah.

Waxa ay intaa raacisay inay la hadashay Ilhan oo ay ku tiri “eega, maanta kooxdii Jihaad-ka ayaa soo shaqa tagtay.” Ilhan Cumar oo barteeda Twitter ugu jawaabtay ayaa sheegtay in sheekada Boebert ay tahay mid khiyaali ah oo aanay jirin meel ay isku arkeen

“Xaqiiq, doqontan hoos ayay eegtaa marka ay igu aragto xarunta baarlamaanka, waa sheeko khiyaali ah oo ay samaysay,” ayay tiri Ilhan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Oo Kulan Ka Qaatay Safiirka Dalka Qadar Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoonka Waa In Marka Hore Ay Toosiyaan Shaqada Golaha ” Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye “

Bnnstaff Bnnstaff

Go’aankii Kootada Caymiska Lagu Laalay Shacabka Iyo Dastuurka Ayuu… Siyaasi Siyaasi Cabdiqaadir

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More