Dowladda Itoobiya Oo Mareykanka Ka Codsatay Joojinta Wararka Been Abuurka Ah

Dowladda Itoobiya ayaa ka codsatay Mareykanka in uu joojiyo faafinta waxa ay ugu yeertay wararka been abuurka ah ee ka dhanka ah Itoobiya, sida uu sheegay wasiiru dowlaha isgaarsiinta dalkaasi Khamiistii shalay.

Itoobiya ayaa warkan soo saartay kadib markii wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ay soo saartay digniin ku saabsan “weerarro argagixiso”.

Sida ay shaacisay warbaahinta dowladda ee EBC, wasiiru dowlaha isgaarsiinta, Kebede Dessisa, ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay tahay in ay ka fogaato baahinta “warar been abuur ah oo ceeb iyo sumcad dil ah, oo ku saabsan Itoobiya,”
Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed iyo xoogagga fallaagada ah ee ka soo jeeda gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi ayaa in ka badan hal sano dagaallamaya, waxaana dagaalkaas uu galaaftay kumanaan qof, halka malaayiin kalena ku barakiciyeen dalka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika.

Toddobaadkan ayay dowladda Ireland sheegtay in Itoobiya ay erisay afar ka mid ah lix dublamaasi oo Irish ah, sababtoo ah mawqifka Ireland ee dagaalka Itoobiya.

Afhayeen u hadlay dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale ka digay hanjabaado dibadda ah oo aan la magacaabin, waxayna dowladaha reer galbeedka ku dhaleeceeyeen ‘wararka aan sax ahayn ee ku saabsan dagaalka.’

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Gudoomiye Ku Xigeenkii Hore Ee Gobolka Banaadir Oo Ka Hadlay Shirkii Shalay Ka Dhacay Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland Oo Si Wayn isugu Maan Dhaafsan Sida Loo Wajahayo Xeerka Furista Ururada.

Bnnstaff Bnnstaff

Alshabaab Oo Weerar Ay Ku Qaaday Deegaanka Camaara Ee Gobolka Mudug

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More