Midowga Yurub Oo War Kasoo Saaray Xaaladda Dalka Soomaaliya

Hoggaanka Sare ee dalalka Midowga Yurub ayaa ka hadlay xaaladda Soomaaliya, sida doorsshooyinka, Amniga iyo abaaraha xilligaan kajira meelo kamid ah dalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Midowga Yurub ayaa marka hore waxaa lagu sheegay inay la socdaan muranka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee dhowr jeer dib u dhacay loona baahan yahay in xal laga gaaro.

Sidoo kale dalalka Midowga Yurub ayaa waxaa ay soo dhaweeyeen in xal laga gaaro khilaafkii u dhaxeeyay Madaxda Sare ee dowladda kaas oo ka dhashay maqnaansha Ikraan Tahliil, isla markaana caqabad ku ahaa arrimaha doorashooyinka.

Waxaa ay ugu baaqeen Madaxda Soomaalida in la dhameystiro doorashooyinka Soomaaliya wixii ka horeeya dhammaadka sanadkan 2021 si aysan u uga dhicin dalka xasilooni siyaadadeed.

Ugu dambeyn Midowga Yurub ayaa waxaa ay sheegeen inay aad uga xun yihiin weeraradii ugu dambeeyay ee Ururka Al-Shabaab ka fuliyeen Soomaaliya, iyaga ooo sidoo kale muujiyay walaac la xiriira weeraro kale oo Al-Shabaab ka fuliyaan Soomaaliya.

Dalalka Midowga Yurub ayaa waxaa ay Soomaaliya siiyaan taageero amni iyo mid dhaqaale, iyaga oo bixiya kharashaadka Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Maraykanka Oo Lacag Uu Afghanistan Ka Xayiray Ku Bixinaya Dacwadahada Dadkii Ku Waxyeeloobay 9/11

Bnnstaff Bnnstaff

Oday Si Arxan Daro Ah U Dilay Gabadh Uu Dhalay Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Dhacdadaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Ex Madaxwayne Xasan Sheekh ” Hadafka Loo Wada Socda Waa In Dalka Ay Doorasho Ka Dhacdo”

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More