Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu waddaa in ay maanta ka bilaabato magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed sidda ay xaqiijiyeen guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed.
Saddex Kursi ayaa maanta lagu dooran doonaa Magaalada Baydhabo waxay noqon doonaan Saddexdii ugu horreysay doorashada golaha Shacabka ee deegaanada maamulka Koonfur Galbeed xilli horay doorashada looga bilaabay magaalada Muqdisho iyo maamulka Galmudug.
Kuraasta maanta lagu waddaa in ay kusoo baxaan xildhibaano horay ugu fadhiyay qaarkood, waxaana doorashada xildhibanada ay noqotay mid lasii ogyahay natiijada qofka soo bixi doonnaa maadaama inta badan kuraasta ay xiran yihiin.
Sidoo kale maamulka Galmudug ayaa lagu waddaa in maanta lagu doorto hal kursi oo ka mid ah xildhibaanada golaha Shacabka xilli ay sheegeen qaar ka mid ah dadkii u tartamayay kuraastaasi in laga xirtay oo loo diiday Shihaadadii Musharaxnimada.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com