Dhaqdhaqaaqyo Ciidan Oo Ka Socda Magaalada Baasaaso Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Dhaqdhaqaqyo ciidan ayaa ka taagan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Berri ka dib markii uu khilaaf soo gala dhex galay Madaxweynaha Puntland iyo taliska ciidanka PSF ee dhawaan taliyahooda xilka qaadista lagu sameeyay.

Maamulka Puntland ayaa saacaddihii lasoo dhaafay Boosaaso geeyay boqolaal askari oo kala yimid magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo, waxaana maamulka ay wacad ku mareen in ay soo celin doonaan xasiloonidii magaalada Baydhabo ayna dhaqan galin doonaan xilka talista PSF oo iska diiday Amarka Madaxweyne Deni.

Cabsi badan ayay dareemayaan dad ku sugan magaalada Boosaaso, waxaana ay sheegeen in magaalada ay buux dhaafiyeen ciidamo kala taageersan labada dhinac.

Hay’adda PSF ayaa shalay mar kale ku celisay in aysan aqoonsanayn xilka qaadistii Madaxweyne Siciid Deni ku sameeyay Agaasimaha PSF Maxamuud Cismaan Cabdullaahi Diyaano.

Shir jaraa’id oo ay qabteen saraakiil ka tirsan PSF ayay ku sheegeen in aysan waxba iska beddelin mowqifkii hay’addu kaga hortimid xilka qaadistii uu sameeyay Madaxweynaha Puntland.

Maamulka Puntland ayaa cabsi weyn ka qaba in ciidankaasi ay qalqal galiyaan Amniga doorashada golaha Shacabka oo lagu waddo in lagu qabto Magaalada Boosaaso kuraas ka mid ah.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Daawo:- Dhacdo Cajiiba Ah Maxbuus Maxbuus Kale Xabsiga Ka Sii Dayay.

Bnnstaff Bnnstaff

Shirkada Microsofti Oo Sheegtay In Weerar Dhanka Internert Ka Ah Lagu Qaaday

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Kenya Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday In Ayna Aqbali Doonin Go’aanka Maxkamed ICJ

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More