Borama News Network

Joe Biden Oo Ku Guulaystay Magacaabista Musharraxa Madaxweynaha Ee Xisbiga Dimuqraadiga

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa ku guulaystay in uu noqdo Musharraxa Xisbigiisa Dimuqraadiga ee Doorashada Dalkaas si uu markale u wajaho Madaxweynihii ka horreeyay ee uu horay uga guulaystay doorashadii ka dhacday Dalkaas.

Joe Biden ayaa in muddo ah raadinayay sidii uu u heli lahaa codka Xisbigiisa si uu isugu diyaariyo Doorashada soo socota maadaama Donald Trump uu dib boorka uga jafay in maamullada qaar uu codad badan kasii xaraysto.

Biden ayaa tartankaan musharraxnimada ah waxa uu uga adkaaday xubno kale oo xildoon ah si ay u wajahayaan Doorashada adag ee Dalka Maraykanka ka dhacaysa bisha Nofeembar ee sanadkaan 2024

Biden waxa uu la kulmay mucaarad magac u yaal ah, si uu u noqdo musharraxa Dimuqraadiga, waxaana uu xalay ka gudbay tiradii ergada ee looga baahnaa oo aheyd 1,968, sida ah qortay Reuters.

Dhanka kale, Trump wuxuu kaga adkaaday doorashada xisbi Jamhuuri dhowr musharrax doorashooyinkii hordhaca ahaa, oo ay ku jiraan safiirkii hore ee Qaramada Midoobay Nikki Haley iyo guddoomiyahaa gobolka Florida Ron DeSantis.

Related posts

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Turkiga Kala Hadlay Fulinta Heshiiskii Fulinta Difaaca Badda

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Hore Farmaajo Oo Ka Warbixiyay Sabta Uu Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Abdiaziz Bnnstaff

Ruushka Oo Dalal Kale Kala Hadlaya Xaaladda Cakiran Ee Qasa

Abdiaziz Bnnstaff