Madaxweynaha Turkiga Oo Booqasho Ku Tegaya Qatar Iyo Xogta Socdaalkiisa

Ilo Warbaahin ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan uu booqasho rasmi ah ku tegi doono Caasimada dalka Qatar ee Doha bishan December 6-da ilaa 7-da.

Waxa uu Kulan Khaas ah la yeelan doonaa Amiirka dalkaasi, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thaani, iyagoo ka wada arrinsan doona Xiriirka Labadooda Waddan, Arrimaha Mandiqada, Xaalladda Ammaanka ee dalka Afganistan iyo Danaha Guud ee Iskaashiga Turkiga urkiga iyo Qatar ee dhinacyada Iskaashiga, Dhaqaalaha iyo Ammaanka.

Labada Hoggaamiye ayaa waxaa la filayaa inay isla eegaan Qorshaha ay Ciiddanka Turkiga qeyb kaga noqon doonaan sugida Ammaanka ee Garoomada Ciyaaraha ee lagu qaban doono Tartanka K/Cagta ee Koobka Adduunka oo ay Qatar marti-gelinayso Bartamaha sanadka soo socda ee 2022-ka.
Dhinaca kale, Madaxweyne Erdogan ayaa waxa u qorsheysan inuu booqdo dalka Imaaraadka Carabta bisha Feberaayo ee sanadka soo socda, si loo sii ambaqaado Xiriirka soo hagaagayo ee Labada dal.

Dowladda Imaaraadka ayaa waxaa waxay isbuucii hore ku dhawaaqday Maalgashiga Cusub ee ay Turkiga la saxiixdeen.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Booliska Maraykanka Oo Sheegay In Ay Heleen Gabadh Yar Oo La Waayay Sadex Sano Ka Hor

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiir Sacad Cali Shire Waxaynu u Baahanahay Inaynu Isku Tashanno Oon Samaysanno Sanduuq Horumarineed

Bnnstaff Bnnstaff

18 May Reerbaale Ee Lama Wada Heleh Aniguna Waxaan Leenahay 26ka June ” Maayirka Cusub Ee Laascaanood

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More