Dowladda Somaliya Oo Ka Hadashay Dilkii Muqdisho Loogu Geystay Wiil Iyo Gabar Walaalo Ah

Wasiirka Wasaaradda Caaladda Xukuunadda Federaalka ee xilgaarsiinta Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa ka hadlay dil xalay Ciidamo ka tirsan ay Muqdisho ugu geysteen Wiil iyo Gabar isla dhashay oo isla socday.

Qoraal uu soo saaray Wasiir Cabduqaadir Maxamed ayuu marka hore tacsi ugu diray eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sowdo Maxamuud Xuseen oo la dilay, iyaga oo saaran Mooto Bajaaj, xili ay marayeen Isgoyska Dabka

Wuxuu sheegay Wasiirka Cadaaladda inuu la xiriirey hayadaha amniga ee baarista iyo ka daba tagista fal dembiyeedyada ku shaqada leh ee ay ugu horeeyaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, sidoo kale xusay inuu la hadley qaar ka mid ah eheladii dhibtu gaartey.
Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa tilmaamay in Ciidamada ammaanka dowladda Federaalka ay u ii xaqiijiyeen in ay baaris socoto lana daba joogo falkaan cidii u geysatey Sakariye iyo Sowdo.

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed u balan qaadeynaa iyadoo loo maraayo hanaanka Cadaalad u raadinta dhibanaha in aan hor keeni doono Cadaalada cid alaale cidii falkaan foosha xun geysatatey Inshalah” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Caaladda Xukuunadda Federaalka ee xilgaarsiinta.

Allaha u naxariistee Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda oo saarnaa gaari Cabdi Bile ayaa rasaas ku furay Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sowdo Maxamuud Xuseen, iyagoona u dhintay rasaasta lagu furay, xili ay marayeen Isgoyska Dabka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Ciidamada Dowladda Oo Markale La Wareegay Deegaano Cusub Oo Katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Bnnstaff Bnnstaff

TOOS:- Xisbiga Kulmiye Oo Maanta U Dabaal Degaya Xuska Sanad Guuradii 20aad Ee Aas Aaska Xisbigaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Donald Trump Oo Ka Shaqeynaya Qorshe Halis Ah Si Mar Labaad Loo Doorto

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More