Maamulka Puntland Oo Hakiyay Gaadiidka Soo Gala Magaalada Boosaaso

Maamulka Puntland ayaa hakiyay gelitaanka Magaalada Boosaaso iyada oo baabuurta lagu celinayo degmada Carmo oo u jirta 100km, waxaana maamulka Puntland ay sheegeen in laga cabsi qabo in ciidamo taageersan ay soo galaan Magaalada taliska Ciidanka PSF ee xilka laga qaaday.

Ciidanka ayaa la sheegay in ay fasaxayaan kaliyah Baabuurta ka soo baxaysa.

Tallaabadan ayaa la rumaysan yahay in ay qayb ka tahay dhaqdhaaqyada ciidan ee dowladdu ay ku sheegtey in ay ku sugayso ammaanka magaalada dekedda leh.

Ciidamo kala taageersan taliska PSF iyo Madaxweyne Deni ayaa la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay si weyn u soo galeen Magaalada, waxaana wargaradka Magaalada ay sheegeen in aysan aqbali doonin dagaal ka dhaco magaalada.

Xiisadda ciidanka sida gaarka ah u tababbaran ee PSF iyo madaxtooyada ayaa weli taagan, dowladduna waxa ay sii xoojinaysaa dhaqdhaaqyada ciidan ee Boosaaso, halka PSF ay ku sugan tahay xeradooda oo dhacda bariga magaalada.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Waxbadan Ayaa Xeerinay Waxaa Rabnaa In Somaliland Ay Dareento Waxa Ay …”Wasiirka Amniga Puntland

Bnnstaff Bnnstaff

Hoggaamiye Maleeshiyo Hubeysan Oo Lagu Dilay Dalka Liibiya

Bnnstaff Bnnstaff

Dr.Xasan Oo Si Adag Uga Hadlay Gabadhii Shaadhka Iyo Surwaalka Suuqa Ku Martay Iyo Gabadh Kale Oo Taageertay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More