Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Oo dhagax Dhigay Xarunta Gurmadka Degdegga Ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhagax-dhigay xarunta gurmadka qaranka oo loogu talagalay in ay daboosho Xaaladaha deg degg ah ee ay keenaan noocyada kala duwan ee masiibooyinka.

Xarunta gurmadka Degdegga ah ayaa noqon doonta mid isku xirta dhamaan hay’adaha gurmadka dalka oo dhan, waxayna aruurin doontaa macluumaaadka halista soo socota, lana wadaagi doontaa dhinacyada ay khuseyso.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in markii uu booqday qaar ka mid ah isbitaalada Muqdisho , arkayna casharradii laga bartay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe iyo dhacdooyin kale oo dalka soo maray ay lagama maarmaan noqotay dardargelinta dhismaha xarunta, oo laamo ku yeelanaysa caasimadaha dowlad gobolleedyada.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa u mahadceliyay dowladda Sweden iyo Bangiga Adduunka oo maalingalinaya dhismaha Xarunta, oo lagu soo gabagabeyn doono muddo gaaban.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Culimada Sacuudiga Oo Argagixiso Ku tilmaameen Ikhwaanul Muslimiin Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

Somaliland Oo War Ka Soo Saartay Doorashada Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Toos U Daawo Ciyaarta Gobolada Awdal Iyo Maroodi Jeex

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More