Ku Dhawaad ​​40 Waddan Oo Laga Helay Nooca Cusub Ee Omicron Iyo Digniino Laga Soo Saaray

Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa ka digtay in nooca cusub ee fayraska corona ee Omicron ay u badan tahay inuu dhaawaco ka soo kabashada dhaqaalaha adduunka ee uu horseeday fayraska.

Kristalina Georgieva ayaa sheegtay in nooca cusub ee cudurku uu wiiqi doono kalsoonida, iyo in saadaasha koboca dhaqaalaha.

Wararka ayaa sheegaya in Omicron laga helay ku dhawaad ​​40 wadan.

Saynis yahano ku sugan Koonfur Afrika ayaa sheegay in nooca cusub ee fayraska korona uu u muuqdo inuu faafo wax ka badan laba laab marka loo barbardhigo noocii hore ee loo yaqaanay Delta. Inkastoo la sheegay in baaritaankan aanan dib u eegis lagu sameyn, waxayna cilmi-baarayaashu sheegeen in hubaal la’aan badani ku jirto xogta ilaa hadda la shaaciyay.

Arrinta la yaabka leh ayaa in si weyn uu isu baddalayo, Prof Tulio de Oliveira, oo ah agaasimaha xarunta ka falcelisa cudurrada safmarka iyo hal-abuurka ee Koonfur Afrika, ayaa sheegay in uu jiro “is-beddel aan caadi ahayn” oo “aad uga duwan” noocyada kale ee horey ula wareegay dunida.

“Noocan cusub ayaa naga yaabiyay, si weyn ayuu sare ugu kacayaa, waxaana ka fileynayaa isbaddallo dhowr ah”

Related posts

Dowladda Soomaaliya Iyo Midowga Afrika Oo Ka Wada Hadlay Qorshe La Xadhiidha Bixitaanka AMISOM

Bnnstaff Bnnstaff

Lacag Mallaayiin Dollar Ah Oo Loogu Deeqay Dalal Ay Kujirto Soomaaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Alshabaab Oo Mar Kale Goob Fagaare Ah Ku Toogatay 10 Qof Kuna Eedeeyay In Ay Dowlada La Shaqeeyeen

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More