“Muslimiinta Faransiiska Waa Inay Ku Dhex Milmaan Dadka Kale Oo Ay Ka Tunaasulaan Diintooda” Eric Zemmour Hogaamiyaha Xisbiga Midigta Fog

Hoggaamiyaha xisbiga midigta fog ee Faransiisa ahna musharax madaxweyne Eric Zemmour, ayaa sheegay in Muslimiinta ku nool dalka Faransiiska “looga baahanyahay in ay ku milmaan dadka kale haddii ay doonayaan in ay dalka ku noolaadaan.”

Zemmour ayaa ku dooday in Muslimiinta Faransiisku looga baahanyahay inay “ka tanaasulaan” ku dhaqanka diinta. Sidoo kale waxa uu ku dhawaaqay hadallo aad u kala qaybiyay dadka oo leh aragtiyo ku saabsan aqoonsiga dadka Muslimiinta, soogalootiga, dadka Madowga ah, iyo kuwa kale ee laga tirada badan yahay.

Dhanka kale ninkaan ayaa horay looga qaaday tallaabo sharci ah ka dib markii uu soo jeediyay hadallo cunsurinimo ah iyo kuwa la xirriira nacaybka diimaha, 2010-kii ayaa lagu riday xukun ka dib markii uu sheegay in dadka daroogada ka ganacsada ay u badan yihiin “Madow iyo Carab.”

Bishii Sebtembar 2019-kii, waxaa lagu ganaaxay lacag gaaraysa €3,000 ($3,500) kadib markii uu aflagaado naceyb ah uu u geystay muslimiinta dalkaas.

 

Related posts

AKHRISO: Magacyadda 16-ka Xildhibaan Ee Maanta Lagu Doortay Magaalada Boosaso

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaare Rooble Oo Xilalkii Ka Qaaday Xubno Ka Tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Iyo Sababta

Bnnstaff Bnnstaff

Dad Soomaali Ah Oo Weli La La’yahay Dhul Gariirkii Ka Dhacay Dalka Turkiga

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More