Wafdi Ka Socda Dowladda Soomaaliya Oo Gaadhay Qaahira Iyo Ujeedka Socdaalka Waftigaasi

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa garoonka caalamiga Qaahira kuso dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/qaadir Maxamed Nuur.
Wasiirka Cadaaladda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa safar shaqo ku tagay Magaalada Qaahira ee Dalka Masar , Wasiirka ayaa ka qayb geli doonna shirka Wasiiradda Cadaaladda ee Jaamacadda Carabta.

Sidoo kale Wasiirka ayaa inta uu dalkaasi joogo kulamo kala duwan la yeelan doono masuuliyiinta wadankaas.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwayne Joe Biden Oo Kulan Kiisii Ugu Horeeyay La Qaadanaya Madaxda Dalalka G7

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaare Rooble Oo Kulan La Qaatay Midowga Murashaxiinta Mucaaridka Ah

Gabadhii yarayd ee Hargaysa lagu Xaday oo La helay Iyo Xog laga Helay Ninkii Xaday

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More