Hoggaamiyaha TPLF Debresion Gabre Mikael Oo Hanjabaado Hor Leh u Soo Diray Dowladda Itoobiya

Hogaamiyaha fallaagada TPLF Debresion Gabre Mikael, ayaa sheegay in halgankooda ay sii wadayaan ilaa ay afka ciidda u daraan waxa uu ku sheegay cadowga ku qasbaya wadahadalka nabadeed.

Telefishiinka Tigraay oo afka fallaagada TPLF ku hadla ayaa baahiyey wareysi ay la yeesheen hoggaamiyaha TPLF Dabresion Gabre-Mikael.

Hoggaamiyaha wuxuu sheegay ciidamada fallagada iney ciidamada cadowga uu ku tilmaamay ay iska caabbin doonan ayna gulo wax ku ool ah ka soo hoyin doonaan.

Dowladda Itoobiya ayaa dhanka kale sheegtay in maleeshiyaad ka tirsan TPLF, OLA iyo BPLF oo damcay iney xadka sudaan ka tallaabaan ay ciidamadooda qalabka sida ka hortageen.

Taliyaha booliska deegaanka Benishaangul ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada jabhadaha ay si wada jir ah uga hortagaan ciidamada federaalka oo kaashanaya kuwa deegaanka Benishangul.

Dagaalka waqooyiga dalka Itoobiya ka billaawday 13 bilood ka hor ayaan weli u muuqan mid xal waara laga gaaray.

Labadii bilood ee ugu dambeeyey fallaagada TPLF guulo tira badan ayey dagalka ka soo hoyayeen iyaga oo dhul badanna qabsaday.

Balse labadi toddobaad ee u dambeeyey ciidamada Itoobiya oo uu hoggaaminayay Abiy Axmed ayaa la wareegay deegaanno badan.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Xildhibaan Guruuje ” Madaxweyne Yadoo Faralkii Laynagu Leeyahay In Xildhibaanadu Madaxtoyada Tagaan Yagoo”

Bnnstaff Bnnstaff

Shacab Tigreega Oo Loogu Baaqay In Ay Iska Difaacaan Dowlada Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidanka Somaliland Oo War Ka Soo Saaray Dagaalka Laascaanood Puntlandna Ku Eedeeyay Dagaalka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More