Maamulka Hir-Shabeelle Iyo Dowlad Degaanka Somaliya Oo Iska Kaashanaya Amniga Xaduudka Labada Dhinac

Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee Ciidanka xoogga dalka Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim Bakaay ayaa gaaray deegaano ay maamulaan Maamulka Dowlad Deegaanka Somalida Ee Itoobiya

Socdaalka Wafdiga Taliye Bakaay ayaa ku saleysan qorshaha lagu Xoojinta amaanka xuduudaha iyo deegaanada ku teedsan Gobolka Hiiraan.

Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaay ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidamada Fedaraalka Itoobiya iyo kuwa dowlad deegaanka waxuuna kala hadlay iskaashiga labada dhinac iyo xoojinta amniga.

Wafdiga taliyaha ayaa waxaa kamid ah Guddoomiyaha Jawiil Cabduqaadir Dheere, Guddoomiyihii hore ee Maxaas Cabdi Xiish iyo masuuliyiin kale kuwaas oo Maamulka doad degaanka Soomaalida kala hadlayay amniga xaduudka.

Maamulka Hir-Shabeelle & Dowlad degaanka Soomaalida ayaa dhowr jeer waxaa ay wada galeen heshiis iskaashi oo ku saabsan dhanka Amniga kadib markii xaduudka labada Maamul kusoo bateen Colaad Beeleedyada.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Shacabka Magaalada Muqdisho Ka Dareen Celiyay Guusha Ay Somaliya Ka Gaadhay Kiiskii Bada

Bnnstaff Bnnstaff

Xukuumada Muuse Biixi Oo Bandow Kusoo Rogtay Magaalada Ceerigaabo Oo Uu Ka Dhacay Banaanbax Rabshado Watay

Bnnstaff Bnnstaff

Safiirka Uk Ee Somaliya Oo Ka Hadashay Muhiimada Dhismaha Wadada Hargeysa Pypass

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More