Nin ku Eedeeysan Dilkii Wariye Jamal Khashogi Oo Gacanta Lagu Dhigay

Wararka ka imanaya dalka Faransiiska, ayaa sheegaya in nin Sucuudiyaan ah, oo loogga shakisan yahay inuu ku lug lahaa dilkii wariye Jamal Khashogi lagu xirey dalkaasi.

Khaalid Aalu Tayba, ayaa lagu xirey gagidda dayuuradaha ee magaalada Paris talaadadii, sida ay qortey warbaahinta Faransiiska. Wuxuu kamid yahay 26 qof, oo ay dowladda Turkey-ga ku daba jirto, sababo la xiriira dilkii Jamaal Khashogi.

Qofkan oo dadiisa lagu sheegay 33 sano jir, oo kamid ahaan jirey ilaalada gaarka ah ee Boqortooyada Sucuudiga, ayaa ku socdaalayey magaciisa rasmiga ah, waxaa la dhigay xabsi maxkamadeed.

Khashogi, oo ahaa nin si weyn u dhaleeceyn jirey dowladda Sucuudiga, ayaa lagu diley qunsuliyadda dowladda Sucuudigu ku leedahay magaalada Istanbul ee dalka Turkey-ga, bishii Octobar ee sanadkii 2018-kii.

Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in weriyihii wargeyska The Washington Post lagu diley hawlgal aan sax aheyn.

Waxey intaa ku dareen iney fuliyeen dilka koox wakiillo ah, oo loo direy iney kasoo dhaadhiciyaan wariyaha inuu dib ugu soo noqdo boqortooyada Sucuudiga.

Laakiin saraakiisha Turkey-ga, ayaa sheegay in wakiilada ay ku dhaqaaqeen amaro ka yimid madaxda ugu sareysa ee dowladda Sucuudiga.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Dad Badan Oo Ku Dhintay Oo Ku Dhintay Weerar Lagu Qaaday Xarun Caafimaad Oo Ku Taala Gobolka Canfarta

Bnnstaff Bnnstaff

Dagaal Ku Bilawday Madaafic oo Lagu Qaaday Xero Ay Deganaayen Ciidamo Itoobiyan Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Somaliya Oo Ka Qaybgalaysa Shir Muhiim Ah Oo Ka Dhacay Dalka Jabuuti Iyo Waxyaabaha Lagaga Hadlayo

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More