Feysal Cali Waraabe Ayaa Yidhi:- Hangoolkeyga Waa Sida Ushii Nebi Muuse”

Siyaasiga Faysal Cali Waraabe, oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaardkaa UCID ee Jamhuuriyadda Goonni Isutaaggeeda ku Dhawaaqday ee Somaliland, ayaa sheegay in hangoolka uu mar walba sito uu astaan u yahay baadigoobka ictiraafka Somaliland.

Faysal ayaa sheegay in hangoolka sanadkii 1996 uu nin caaqil ah ugu dhiibay magaalada Gaashaamo ee dalka Itoobiya, xilligaas oo uu ka tirsanaa Guddiga Nabadda ee Somaliland.

“Waa ushii Nebi Muuse, ushii uu Nebi Muuse u waday Yahuudda ayaan anna ictiraafkii Somaliland ku raadinayaa” ayuu yiri Faysal oo u warramay BBC-da.

Wuxuu sheegay in hangoolka uu haatan sitaa uusan ahayn isla kii la siiyay berigaas, ee sanadkii xigay ee 1997-dii uu kaga lumay magaalada Gebilley ee Somaliland. “Reer Gebilley ayaan ku iri ii soo maga, oo kan aan haatan sito iyagaa ii keenay,” ayuu intaasi raaciyay Faysal.
Dadka ayuu sheegay inay haddiyado ugu keenaan hangoolka, isagana uu sii bixiyo oo uu dadka kale haddiyado u siiyo.

“Gurigeyga sida ciidda ayuu u buuxaa hangoolka. Nin barafasoor ah oo Ruushka deggan ayaa hadda kahor warqad qoray oo yiri Faysal ha leyga soo qaado hangool,” ayuu yiri.

Isagoo u warramay BBC-da ayaa dhanka kale wuxuu ka sheekeeyay xilligii yaraantiisii, iyo wuxuu ku madadaalan jiray xilliyada uu firaaqada yahay.

Feysal waxaa astaan u ah halgoolka oo ah ul dhaqameed dheer oo Soomaalida aad u isticmaasho, inkasta oo tan uu Faysal wato ay tahay mid gaaban.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Xildhibaan Ka Tirsanaa Baarlamaanka 11-Aad Ee Dowladda Federaalka Oo Geeriyooday

Bnnstaff Bnnstaff

Amisom Oo Shaacisay In Ay Maxkamadaynayso Ciidamadii Dadka Ku Laayay Shabeelaha Hoose

Bnnstaff Bnnstaff

Tahriibayaal Somaliyeed Oo Ku Dhibaataysan Dalka Liibiya Oo Lagu Soo Celinayo Dalka Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More