Borama News Network

Saylac: Hay,adda khayriga ah ee Camuud Foundation ayaa Deeq-Raashin gaadhsiisay Deegaanka Ceel-islaam (Ceelgaal).

 

Hay,adda Khayriga ee Camuud Foundation ayaa Deeq-Raashin ah u Qaybisay 300 oo Qoys oo ka Tirsan Dadka Deegaanka Ceel-islaam ee ka Tirsan Degmada saylac iyadoo lagu gudo jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan

Gudoomiyaha Gobolka Salel mawliid maxamed Nuur iyo maayirka Degmada saylac mudane maxamuud Cigaal oo ku sugnaa madasha ayaa uga mahadceliyay masuuliinta Hay,adda Camuud Foundation oo uu ugu Horyeeyo Axmed Cabdi ismaciil sida xilkasnimada iyo masuulidu ku jirto ee ay Howsha u Qabteen u Fuliyeen Qaabkii iyo Qorshihii maamulka Gobolka iyo ka Degmadu ugu Talo galeen ay u fuliyeen.

Ugu dambayn Gudoomiyaha Gobolka Salel mawliid maxamed Nuur ayaa Hoosta ka xariiqay in aanay ahayn markii u Horaysay ee Hay’adda Camuud Foundation Fuliso ee ay Tahay mid joogto ah oo marwalbana la Barbartaagan mucaawinada iyo sidaa kale in ay si joogta ah ula shaqayso Gobolka Salel.

Allaah mahadle.

Related posts

Walaac Xoogan Oo Laga Muujiyay Dagaal Ka Dhex Qarxa Dalalka Itoobiya Iyo Eritrea

Abdiaziz Bnnstaff

Xamaas oo diidday soo jeedin lagu xurmeynayo Ramadaanka iyo Israa’iil oo ka carootay

Abdiaziz Bnnstaff

Wafdigii ku baxay xal u helista Dagaal-beeleedka Luuq oo kulamo ka billaabay Degmadaas

Abdiaziz Bnnstaff