Puntland Oo Sheegtay In Ay Howlgal Ku Qabatay Qaraxyo Ay diyaariyeen Al-Shabaab

Ciidamada difaaca Dowlad Goboleedka Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay hawlgallo qorshaysan ka fuliyeen dhulka buuraleyda silsiladda Golis ee ka tirsan Gobolka Bari.

Saraakiisha Ciidamada ee howlgalka hoggaminayay ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu burburiyay Saldhigyo ay ku sugnaayeen Ururka Al-Shabaab , sidoo kalena ay ku qabteen waxyaabo qarxa oo ay diyaariyeen Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa ay sheegen in howlgalka lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa dhulka Buuraleyda ee howllgalka lagu sameeyay wallow aysan jirin dad madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada saraakiisha Ciidamada Puntland.

Degaannada howlgalka laga sameeyay ayaa waxaa ay ahaayeen kuwo marar badan ay Al-Shabaab kasoo abaabuli jireen weerarada ay ku qaadaan Saldhigyada Ciidamada Puntland sida ay sheegeen Ciidamada Puntland.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Magaalada Muqdisho Oo Si Wayn Looga Dareemaya Diyaar Galawga Dabaaldegyada Maalmaha Xuriyada

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweyne Farmaajo Oo Kulan La Qaatay Qoyska Marxuum Cali Khaliif Galaydh

Bnnstaff Bnnstaff

Ciyaaryahanka Muslinka Ah Ee Sadio Mane Oo Diiday In Uu Sawir Ku Galo Dhalo Khamri Ah

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More