Galmudug Oo Ku Dhawaaqday In Tilaabo Cidan Ka Qaadi Doonto Beellaha Ku Dagaallamaya Galgaduud

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegtay in awooddeeda oo dhan ay isugu gayn doonto sidii loo joojin lahaa dagaal maalmo ka socday inta u dhaxaysa Balanballe iyo Guriceel oo ay dad badan ku dhinteen.

Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in Maleeshiyaadka dagaallamaya dhowr mar loogu baaqay in ay joojiyaan dagaalka balse ay diideen haddana ay qorsheyanayaan in ay ciidamo kala dhex dhiggaan.

Waxaa uu sheegay in kooxaha dagaalkaasi abaabulaya aan la cafin doonin oo laga qaadi doono tilaabo Sharciga waafaqsan.

Hadalka Wasiirka ayaa yimid ka dib markii degaanka Kaxandhaale oo ku dhow degmadda Balanbal ee Gobolka Galgaduud uu ka dhacay dagaal sababay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac badan una dhaxeeyay labo maleeshiyo.

Dagaalkan oo ay ka qayb qaadanayeen Gaadiidka dagaalka oo ay kala wateen labada maleeshiyo beeleed ayaa sababay dhimashadda inta la xaqiijiyay 7 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 15 Ruux oo kale, waxaana dagaalku uu ka bilaawday isku dhac dhexmarray xoollo dhaqato kasoo kala jeeda labadda maleeshiyo beeleed ee dagaalamay.

Dhaawacyadda labada dhinac ayaa lakala gaarsiiyay Isbitaaladda ku yaala degmooyinka Caabudwaaq iyo Guriceel ee Gobolkan Galgaduud.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwayne Deni Oo Mar Kale Ku Baaqay In Shirkii Uu Madaxwayne Farmaajo Ku Baaqay Muqdisho Lagu Qabto

Bnnstaff Bnnstaff

Barnaamijka Xogta Xagjirka Ah Iyo Xabsiyada Ay Alshabaab Dadka Ku Ciqaabto

Bnnstaff Bnnstaff

Midowga Murashaxiinta Oo Ku Gacan Saydhay Codsi Uga Yimid Madaxwayne Farmaajo

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More