Raysal Wasaare Rooble Oo Ku Waajahan Dalka Jabuuti Iyo Ujeedada Socdaalkiisa

Ra’iisul Wasaaraha Xumuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay u safraan dalka Jabuuti.

Ujeedka Safarka Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Jabuuti ayaa waxaa lagu sheegay xeritaanka dood uu qabanayo Machadka Cilmi baarista ee Heritage taas oo ah madashii shanaad ee Aragti-Wadaagga (Forum For Ideas).

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in uu khudbad ka jeediyo xeritaanka Madasha, waxaana uu sidoo kale la kulmi doonaa qaar kamid ah madaxda lagu casuumay dooda uu qabanayo Machadka Cilmi baarista ee Heritage.

Kulanka uu Ra’iisul Wasaaraha soo xirayo ayaa waxaa snadkaan looga hadlayaa xasillooni darada ka jirta Geeska Afrika, waxaana muddo saddex maalin ah uu socdo Shirweynahan ayaa waxaa jiri doona madal dood ah oo looga hadlayo xaaladaha kala duwan ee Geeska Afrika, marxalada kala guurka iyo doorashada Soomaaliya.

Shirweynahaan uu dalka Jabuuti ku qabanayo Machadka Cilmi baarista ee Heritage ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay kujirto waqti kala-guur ah, isla markaana uu weli muran kajiro doorashooyinka ka bilaawday dalka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dr Gaboose Oo Hargeysa Ka Daahfuray Urur Siyaasadeedka Barwaaqo

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiyaha Gobolka Gedo ayaa ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Baardheere.

Bnnstaff Bnnstaff

Warbixin:- Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Horkacaya Dagaalka Ka Dhanka Ah Alshabaab Iyo Alshabaab Oo Qarka U Saaran In Laga Adkaado

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More