Dowladda Soomaaliya Iyo Midowga Yurub Oo Ka Wada Hadlay Danaha Dheef-Wadagga

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Marwo Tiina Intelmann.

Kulanka dhexmaray Wasiir Cabdisaciid Muuse iyo Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa waxaa looga wada hadlay inta uu socday danaha dheef-wadagga ah ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub.
Sidoo kale kulanka ka qabsoomay Muqdisho ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinka iskaashiga iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub ee dhinacyada amniga, horumarinta iyo dhaqaalaha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali ayaa Safiir Marwo Tiina Intelmann iyo Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Warbixin:- Xaalufinta Iyo Dhuxushalysiga Oo Sii Batay Iyo Dhalinyaro Baabiisay Goobo Dhuxul Laga Shidayay

Bnnstaff Bnnstaff

Diyaaradihii Dron-ta Ee Turkiga Oo La Sheegay In Ay Fashilmeen Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

Imaaraadka Carabka Oo Wakiil U Soo Magacaabatay Somaliland Iyo Muuse Biixi Oo Qaabilay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More