Boqortooyada Sucuudiga Oo La Dagaalamaysa Tabliiqa Iyo Sababta Ka Dambaysa Dagaalkaasi

Dhawaan waxaa baraha bulshada Sucuudiga qabsaday hadal heynta ku saabsan magaca ‘Jamaacada Dacwada iyo Tabliiqa’, doodda ku saabsan jamaacadan sidoo kale dalkaas looga yaqaano ‘Al Axbaab’ ayaa u dhexeeysay dad difaacayay oo culimada Sucuudiga ugu baaqay in arrimahooda ay faraha kala baxaan iyo dadka kasoo horjeeda.

Haddaba maxay tahay jamaacadan iyo sababta uu Sucuudiga uga digaya ugana mamnuucayo dalkaas?

Culimada masaajidda ku yaalla Sucuudiga ayaa khudbaddii jimcihii lasoo dhaafayay ka digay jamaacada loo yaaqaano ‘Tabliiq wa dacwah’ sidoo kale loo yaqaano’#Al Axbaab’ kadib go’aan kasoo baxay wasaaradda diinta iyo awqaafta ee Sucuudiga.

Wasaaradda diinta iyo awqaafta waxay ku amartay culimada masaajidda inay wakhtiga u qoondeeyaan khudbo ku saabsan “si “loo muujiyo marin habaabinta, leexinta iyo khatarta kooxdan, iyo inay tahay mid ka mid ah albaabbada argagixisada,” sida laga soo xigtay qoraallo taxane oo lasoo dhigay barta rasmiga ah ee Twitter-ka wasaaradda.

Go’aanka kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in ka mid noqoshada “kooxaha dhinac u jaanjeera, oo ay ku jiraan “kooxda Tabliiqa wa dacwah” inay mamnuuc ka tahay gudaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Maxay tahay sababta uu Sucuudiga ula dagaallamayo Jamaacada tabliiqa?
Culimada Sacuudi Carabiya waxay jamaacada tabliiqa iyo dacwada ku eedeeyeen inay wadaan ‘Tasawuf’ oo micneedu yahay suufinimo ah inkasta oo magaca ”Tasawuf’ aanan la isku raacsaneyn.

Dadka kasoo horjeedo arrintani waxay ku tilmaamaan in lagu talaxtagay diinta isla markaana laga leexday dariiqii saxdaa ah ee toosnaa.

Sababtoo ah suufiyada asalkeedu waxay ku xiran tahay fekerka iyo in qofka uu go’doomiyo naftiisa si loogu sugnaado ‘waddada Alle”.

Sacuudi Carabiya, Suufinimada waxaa loo arkaa arrin ” khilaafsan sharciga Ilaahay.”

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ee madaxa guud ee hay’adda cilmi baarista iyo arrimaha fatwada diinta Islaamka ahna Muftiga guud ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Cabdulcasiis bin Cabdallah Al-Sheekh wuxuu ku sheegay in jamaacadan ay heysato “aqoon la’aan iyo in uu daciif yahay cilimgoodaa dhanka fiqiga ee diinta Islaamka.

Wuxuu intaa ku daray ‘ in hab-dhaqankooda uusan wax xiriir ah ka dhexeyn climiga laga faa’ideysto iyo camalka wanaagsan.’

Muftiga wuxuu sidoo kale ku eedeeyay tabliiqa ay ku dhegan yihiin oo kaliya “kitaabka “Riyad al-Salixiin” iyo kitaabka ka hadlayo “Noloshii Saxaabada” kuwaas oo ay ku jiraan waxyaabo la isku raacsan yahay iyo waxyaabo la raddiyay.

Related posts

Dugsiga Suldaan Maxamed Al Faatix Ee Magaalada Boorama Ayaa Lagu Soo Kordhiyey Dhismayaal Cusub

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Liibiya Fatxi Bashaaqa Oo Ka Badbaaday Isku Day Dil Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Xukuumada Somaliland Oo Sagootiday Arday Deeq Waxbarasho Ugu Baxaya Taiwan

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More