Haweenayda Ugu Taanjirsan Africa Oo Loo Diiday In Ay Maraykanka Gasho Iyo Sababta

Mareykanka ayaa fiisa u diiday Isabel dos Santos, oo ah haweeneyda ugu taajirsan Afrika, iyadoo loo heysto “ku lug lahaanshaha musuqmaasuq baahsan”.

Magaceeda ayaa ka soo muuqday liiska ay soo saartay Waaxda Arrimaha Gudaha, kaas oo ay ku xusan yihiin dadka lagu eedeeyo musuqmaasuqa iyo kuwa wajahaya cunaqabateynta.

Dos Santos, oo 48 jir ah, waa gabadha madaxweynihii hore ee Angola, José Eduardo dos Santos, oo xilka dalkaasi banneeyay sanakdii 2017.

Intii uu madaxweynaha ahaa, waxay madax ka ahayd shirkadda shidaalka ee dalkaas.

Sida laga soo xigtay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Anthony Blinken, Dos Santos ayaa booskeeda u adeegsatay inay musuqmaasuq sameyso iyadoo “si xun u isticmaaleysa lacagta bulshada oo ay ka faa’iidday”.

Warkiisa laguma faahfaahin waxa dhabta ah ee Dos Santos lagu eedeeyay inay sameysay.

Xayiraadaha dal ku galka ee ay soo saartay Waaxda Arrimaha Gudaha ayaa Dos Santos iyo xubnaha qoyskeeda dhowba ka mam
Sanadkii 2013, Forbes ayaa ku dhawaaqday in Dos Santos ay tahay haweeneyda ugu taajirsan Africa, iyadoo hantideeda lagu qiyaasay $3.5bn (£2.6bn). Liiska ayaa laga saaray sanadkii 2020, iyadoo Forbes ay sheegtay in ilaa $1.6bn hanti lagu qiyaasay lagu xayiray Angola iyo Portugal.

Dos Santos ayaase weli la rumeysan yahay in bishii January ee sanadkii hore ay heysatay adduun dhan $2bn. Weriyeyaasha wax baara ayaa sheegay in haweeneydan ay guryo waaweyn oo qurux badan ku leedahay London iyo Lisbon, iyo sidoo kale $35m gaariga yacht oo ay iibsatay iyadoo sii mareysa shirkadda shidaalka ee Shell.

Sanadkii la soo dhaafay, BBC-da ayaa baahisay feylasha muujinaya in hantideeda ay ku heshay iyadoo diiratay dalkeeda islamarkaana ku kacday musuqmaasuq.

Waxay heshay qandaraasyo waaweyn oo dhulka iyo shidaalka a ka heshay iyo sidoo kale dheymanka iyo isgaarsiinta markii uu aabbaheed madaxweyne ahaa.

Feylasha ayaa muujinaya sida iyada iyo seygeda loogu oggolaaday inay iibsadaan hantidadalka iyagoo u maraya qandaraasyo shaki badan laga muujiyay.

Xilligaas Dos Santos waxay sheegtay in eedeymaha ka dhanka ah ay yihiin kuwo gebi ahaanba been abuur ah isla markaana ay yihiin kuwo ay siyaasad ahaan soo maleegtay dowladda Angola.

Kama aysan jawaabin codsi ay BBC-da ku weydiisay inay wax ka dhahdo talaabada Mareykanka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wasiir Maxamed Kaahin Oo Ka Hadlay Khilaafka Siyaasadeed Ee Somaliya Iyo Arimaha Doorashooyinka

Bnnstaff Bnnstaff

Xiisada Dalalka Reer Galbeedka Iyo Ruushka Oo Cirka Isku Sii Shareertay Iyo Ruushka Oo Soo Saaray Agab Cusub Oo Wax Basaasa

Bnnstaff Bnnstaff

Jalaaga Aamir Khan Oo Kareena Kapoor Ku Khasbay Arrin Aysan Waligeed Samayn, Maxayse Tahay Arintaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More