TPLF Oo Si Adag Uga Jawaabtay Maraykanka Oo Ku Eedeeyay In Ay Xadgudubyo Tiro Badan

Afhayeen u hadley mucaaradka TPLF, ayaa sheegay in digniinta uu u soo jeediyey Mareykanka mucaaradka ay tahay wax aan la aqbali Karin, gaar ahaan isku daygooda la xiriira dhanka galista caasimadda Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Getajaw Reda, ayaa ku tilmaamey digniinta Mareykanka katimid mid wax kama jiraan ah.
Bishii ina dhaaftey ee Oktoobar, jabhadda TPLF ayaa qabsatey magaalooyinka Kombolja iyo Desse, oo ku yaalla waqooyi galbeed ee gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya.

Sidoo kale, waxey qabsadeen TPLF wado weyn oo halbawla ah, taasoo gobolka Tigreega ku xireysa magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, iyadoo taa sare u qaadey suurta galnimada ay TPLF ku gali karto magaalada Addis Ababa.

Getajaw Reda, ayaa ku tilmaamey wax lagu qoslo digniinta iyo hadalada kasoo yeeraya Mareykanka. Wuxuu intaa ku darey afhayeenku in Mareykanku aaney dooneyn in TPLF ay galaan magaalada Addis Ababa.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwaynaha Dalka Turkiga Oo Maraykanka Kala Dooransiiyay Labo Arimood

Bnnstaff Bnnstaff

Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya In Waftigii Xasan Sheekh Ee Imaaraadka La Karantiilay?

Bnnstaff Bnnstaff

“Natiijadii Rasmiga Ahayd Ee Uu Daahir Riyaale Madaxweyne Ku Noqday Waxa Ay Ahayd 217 Cod” Cabdillaahi Jawaan

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More